SHARE

Diid Mahad Colow oo ah Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida  Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegtay in Wiilkeeda lagu jirdilay Xabsiga uu ku jiray,iyadoo qeylo dhaan ka soo saartay arrintaasi.

Hooyo Diid Mahad Colow ayaa sheegtay inay tagtay Xabsiga  uu ku xiran yahay oo ku yaalla Adis Ababa,isla markaana horteeda lagu jirdilay,isla markaan ay arkeysay,iyada oo Madaxa laga garaacaayo.

Sidoo kale waxa ay ka deyrisay xaalada Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida oo ay sheegtay inuu qabo Cudurka Dhiikarka.

“Anaga oo arkeyno ayay 30 Jaranjaro ka soo tuureen aad ayuu u qeylinayey oo wuxuu lahaa tol la’ayee tol la’ayee,kadib weey nasoo eryeen,sidii meyd ayay jiidayeen markii noogu dambeysay ayay tiri Hooyada Dhashay Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka.

Ilaa iyo haatan majiraan wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amniga dowladda eek u aadan xaaladda caafimaad iyo jirdilka Cabdi Maxamuud Cumar lagula kacay.

LEAVE A REPLY