SHARE

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa war ay soo saartay  waxaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay xalay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose,kaas oo lagu dilay Xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Hay’adda NISA ayaa War lagu qoray Boggeeda twitter-ka lagu xaqiijiyey howlgalkaas in lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab.

“Howlgal uu ciidanka amnigu  ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabellaha Hoose habeynimadii 11-ka Sabtembar, ayaa isrisaaseyn kadib waxaa lagu dilay xubin Alshabab ah kuwa kalana lagu dhaawacay. Kooxdaan ayaa ku howlanaa weeraro ay ka gaysataan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay mudo ku sugnaayeen deegaankaas balse markii dambe ay isaga oo baxeen.

Geba gabadii waxaa Hay’adda NISA ay ka codsatay shacabka Soomaaliyeed inay ku garab istaagan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY