SHARE

Hogaamiyaasha dalalka ku bohoobay IGAD ayaa gaaray magaalada Disababa ee xarunta Dalka Itobiya,iyadoo saaka ay halkaasi gaareen madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Addis-ababa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Magaalada Adis-ababa waxaa ka furmaya shirkii 33-aad ee hogaamiyaasha wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD,waxaana shir guddoominaya raiiusl wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Ajandayaasha looga wada hadlayo shirka IGAD waxaa kamid ah arrimaha nabadeynta Suudaanta Koonfureed,dib ugu soo biiridda Urur ee Eritrea nad xiriirka Jabuuti iyo Eritrea dib u soo noolayntiisa,madama dhawaan ay heshiiyeen Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxaa uu kulamo gooni gooni ah  la qaadan doonaa hoggaamiyaasha Gobolka ee shirkaasi ka qeybgalaya,iyago ka wada hadli doona arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinaca

Dowladda Eritrea ayaa ku soo biiraysa ururka markale kadib markii ay ka baxday ka mid ahaanshiyihiisa sandka markuu ahaa 2007,waxayna markale dib ugu soo biirtay 2011kii hadan ay hakisay 2017 sababo la xiriira isbedelo badan oo dhanka siyaasadda la xiriira.

 

LEAVE A REPLY