SHARE

Faah faahin dheeraad ah ayaa ayaa kasoo baxaya weerar xalay dablay hubeysan ay ku soo qaadeen fariisin Ciidanka dowlada ku leeyihiin Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada  Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dowlada iyo kooxda wererarka soo qaaday uu dhaxmaray dagaal socday muddo daqiiqado,isla markaana uu ka dhashay dagaalka khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah.

Goob joogayaal ku sugan  Xaafadda Suuqa xoolaha ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe kooxo hubeysan oo aan la garan waxa ay yihiin ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidanka dowlada ay ku leeyihiin Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada  Heliwaa,wuxuu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay cabsi soo wajahday kadib markii ay maqleen dhawaqa Rasaas.

Wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ayanu jirin weli,iyadoo inta badan ay shabaabku weeraro gaado ah soo qaadaan.

 

LEAVE A REPLY