SHARE

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan taliska ciidmada mareykanka ee Africa waxaa wasaarada difaaca mareykanka ay ogolaatay 12 Milyan oo Doolar taas oo lagu dayac tirayo dhabaha diyaaraduhu ku cararaan ee garoonka Balidoogle.

Mareykanka ayaa saldhig ciidan oo aan la ogeyn cida ansixisay ku leh Balidoogle wuxuuna ku tababaraa ciidan soomaaliyeed oo la fal gala kuwa mareykanka.

sanadkan gudahiisa Mareykanka wuxuu soomaaliya ka fuliyay ilaa 20 duqeyn oo xaga cirka ah kuwaas oo la sheegay in Shabaab lagu beegsanayay.

Waxaa jira dad rayid ah mararka qaar ay waxyeelo ka soo gaarto duqeynta Mareykanka.

Sidoo kale waxaa jira tuhuno badan oo ku xeeran qorshaha dhabta ah ee Mareykanku ka leeyahay Balidoogle.

Shaqada garoonka Balidoogle ayaa la sheegayaa in ay habeenkii aad u socoto kolkaas oo ay fariistaan diyaaradaha xamuulka ah .

LEAVE A REPLY