SHARE

Wararka ka im aanay aJubbalada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybta 43-aad iyo Ciidanka Jubbaland ay maanta weerar  ku qaadeen tuulooyin hoostaga Dagmada Jamaame, tuulada kawan oo  u dhow deegaanka Araare ee Gobolka Jubada Hoose.

Deegaanka Kawan oo ay isku Uruursanayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa weerar xoogan ku qaaday Taliska Qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubabland,waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah.

Saraakiisha Taliska Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Al-shabaab ay kala wareegeen tuulada kawan,isla markaana Khasaaro ay gaarsiiyeen haddana ay gacanta ku hayaan deegaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Sidoo kale Taliska waxaa uu sheegay in Al-shabaab dagaalkii Maanta ay ku gaarsiiyeen Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayna dagaalka uga qabsadeen qoryo gaaraya Sadex Qore ah AK47.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Ahna kusimaha Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidanka Xogga Dalka Somaaliyeed Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal  oo ayaa sheegay in Dagaalkaas Al-shabaab looga Saaray Tuulada Kawan oo Hoostagta Dagmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

LEAVE A REPLY