SHARE

Wafdi uu hoggaaminayo Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Maanta oo talaado ah  ku sii jeeda Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu martiqaad ka helay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoona diyaarad ay leedahay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay saaka Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ka qaaday garoonka Muqdisho.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ee Sucuudiga ayaa ku soo beegmayaa, Xilli Taageero dheeraad ah ay siiyaan Soomaaliya, iyagoona ka caawiya dhinacyada Dhaqaalaha, dib u dhiska Ciidanka Xoogga, iyo Arimo kale.

Xasan Cali Kheyre R/Wasaaraha Soomaaliya  ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxda Dalka Sacuudi Carabiya.

Tan iyo wixii ka dambeeyay khilaafka Khaliijka oo dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah ayaa dadka falanqeeya siyaasada waxaa ay sheegeen Soomaaliya ay si dhow ula safatay Dowlada Sacuudiga.

LEAVE A REPLY