SHARE

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed   oo la hadlay VOA-da  ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka baxday balamo ay horay ula gashay Mukhtaar Roobow, oo ku saabsanaa wada hadaladii labada dhinac u dhaxeeyay.

Wasiir cabdi Rashiid  ayaa tilmaamay ololaha doorashada Roobow inay soo bilaabatay mar hore dowladda hadii ay dooneysay inay wax saxdana goor hore laga rabay inay soo saarto warqada ay ku hor istaagtay, wuxuuna sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay is hor istaaga lagu sameeyay Roobow.

Mr C/rashiid ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu Al-Shabaab ka soo tagay muddo lix sano ka hor, isla markaana mowqifkiisa Musharaxnimada uu ahaa mid caddaa, balse waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay go’aanka dowladda ka soo baxay markii Mukhtaar Roobow uu tagay Baydhabo.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Mukhtaar Roobow uu Magaalada baydhabo kaga dhawaaqay inuu yahay  Musharax u taagan xilka Madaxtinimada ee Maamulka koofur Galbeed.

Mukhtaar Roobow ayaa mar soo noqday  Hogaamiye Ku xigeenkii labaad iyo Afhayeenka dagaalamayaasha Al-Shabaab, inkastoo markii dambe uu ku soo biiray Dowlada dhexe ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY