SHARE

Shabeelle Cismaan Xaadoole Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee maamulka Hir- oo warbaahinta ku la hadlay Deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga Degmada Cadalle ee Gobollka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay inay taageeri doonaan Ururka la magac baxay Macaawiisleyda oo Al-shabaab la dagaalamay.

Sidoo kale Shabeelle Cismaan Xaadoole Waxa uu sheegay Xaadoole in garab la siin doono Ururka si ay deegaankooda uga saraan Al-shabaab,isla markaana dar daaran u jeediyay Macwiisleyda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa tilmaamay jabhadda Macwiisleyda loo baahan yahay in ay dowlada Soomaaliya horkacan,si ay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ay uga qeyb qaataan,maadama deegaankooda uu yahay deegaanka uu dagaalka ka jiro ayuu yiri Cismaan Xaadoole.

Cismaan Xaadoole ayaa waxa uu dar daaran xoogan u jeediyay Ururka la magac baxay Macwiisleyda,isagoo kula dar daarmay in ay u dhintaan deegaankooda,si Al-shabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaa Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii Ururka la magac baxay Macwiisleyda iyo dagaalyahano ka tiran Al- Shabaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray tuulooyin hoostaga Degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

LEAVE A REPLY