SHARE

Siyaadda dalka ayaa ah mid marka la eego khilaaf uu hareeyay waana mid u dhaxeeya madaxda dowladda federalka iyo kuwa maamul goboledyada.

Shir ay golaha iskaashiga dowlada goboledyada ku balameen in ay maanta ku yeeshaan Magaalada Garoowe ayaa baaqday.

Shirkan maanta Baaqday ee Garoowe in lagu qabto ahayd ayaa ay si wadajir ah madaxweynayaasha maamul Goboledyada ugu balameen magaalada Kismaayo xiligi ay ku shirsaneeyn horaantii bishii hore.

Balse Maxameed Cabdi waare Madaxweynaha Hirshabeelle oo maalmo kadib Muqdisho ka sheegay inuu ka laabtay go’aan ay kismaayo ku wada gaareen oo ahaa in ay xiriirka u jareen dowaldda federalka ayaa hadana ka hadlay shirka Garoowe.

Waare ayaa shir ay yeeshaan Golaha iskaashiga dowlad goboledyada isagana uu ka amqanyahay ku tilmamay mid sharci darro ah.

KNN ayaa maalmo kahor heshay baahisayna xog ku aadan in madaxweynayaasha maamul goboledyada Puntland , Galmudug , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku shiray Nairobi uu ka baaqanayo oo uu dib uga dhacayo kulanka ay kun balansaneeyn 10-ka bisha oo manta ah , inkasta oo Xaaf madaxweynaha galmudug oo Dhuusamereeb gaaray shegay inuusan dib u dhac ku imaan doonin shirkooda.

Sababaha uu shirka u baaqday maanta ayaa laga helayaa xogo dhinacyo badan ah.

Ilow wareedyo ku sugan Nairobi kana dhawaa shirki ay Hogaamiyaasha dowlad goboledyada maalmo kahor ku yeesheen halkaasi ayaa inoo sheegay in ay wadahadal la galeen xubno ka tirsan u qeybsanayaasha beesha caalamaka laga dalbaday in aysan yeelan kulan kale oo qodobo khilaafka si hurinaya laga soo saaro.

Balse ma aysan isku raacin madaxdu oo waxa la sheegayaa in  Shariif xasan sheikh Aadan madaxweynaha Koonfur Galbeed uu soo jeediyay in la qaato talada xubnaha beesha caalamka ee ahayd in aaney shirin , Balse inta kale Axmed xaaf ,Axmed Madoobe iyo Cabdi wali gaas ayaa la tilmamayaa in ay soo jeediyeen qabashad kulanka Garowe ee maanta ahayd balantiisu.

Wali Nairobi waxaa ku sugan Madaxweynayaasha qaar oo dhowr jeer waraaqo looga dacwoonayo madaxda dowladda federalka u gudbiyay daneeyeyaasha caalamiga ee arimaha Soomaaliya oo qaarkood fadhigoodu yahay Nairobi Kenya.

Lama oga tilaabada baaqashadan xigta ee ay qaadi doonaan madaxweynayaaha maamul goboledyada ee khilaafka xumaaday uu kala dhaxeeyo madaxda dowlada Federalka ah ee Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY