SHARE

Waxaa maanta qarax uu ka dhacay nawaaxiga EXkantrool Afgooye,kaasi oo qasaare dhaliyay,waxaana Warar dheeraad ah ka soo baxaya qaraxaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gaarigaan qarxay oo ahaa nooca raaxada ah,waxaana la sheegay in miinada lagu xiray,isla markaana uu lahaa masuul ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan weli la shaacin Magaciisa iyo masuuliyada uu ka haayo.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo saarnaa gaariga ayaa qaraxaasi ku dhaawacantay,waxana goobta qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax nuucaan ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho,waxana jira howlgalo ammaanka lagu adkeynayo

LEAVE A REPLY