SHARE

Ciidamada xoogga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa hada waxaa ay ku dagaalamayaan Deegaanka Buurweyn ee Gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa Hubka Noocyadiisa kala duwan, iyadoona la soo warinayo in khasaaro uu ka dhashay dagaal ka soconaya deegaankaasi.

Dadka Degaanka ayaa KNN u sheegay in Cabsi badan ay soo wajahday, iyagoona tilmaamay inĀ  weli dagaalka uu ka socdo Deegaanka Buurweyn ee Gobalka hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana Saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixin doonaan dagaalka.

Ciidamada Militariga oo garab ka helaya kuwa AMISOMĀ  ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka wadeen inta u dhexeeysa Degmooyinka Buulla Burde iyo jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

LEAVE A REPLY